Maxaa sababa qoyaan fiishka kasoo muuqda darbiyada dhismayaasha?


What caused dampness in the building?


Introduction:

What caused dampness in the building?

Biyo xad dhaaf, qoyaan iyo dhammaan noocyada (uumiga, dareeraha, iyo daadadka) ayaa wali ah dhibaatada ugu badan ee haysata guryaha. Qoyaanka dhismayaasha kasoo fiisha ee loo yaqaano “Dampness” ayaa isna ah caqabad adag oo weli ka jirta dunida, gaar ahaan Qaarada Afrika oo aan horumarsaneen dhismayaasheeda, inaga Soomaali ahaan warkeenaba daa.

Dhibaatooyinka sida horudhaca ah loo arki karo ee uu leeyahay qoyaan fiishka “Dampness” waxaa kamid ah:

  1. Fiishka qoyaanka.
  2. Kobaca caaryada ka muuqaneysa darbiyada.
  3. Caaraysi, cusbada oo darbiyada fuusha, wasakhda iyo calaamadaha haarada leh.
  4. Khasaaro ka dhasha dusha sare darbiga, sida rinjiga oo soo daata iyo duxa fiishka oo ku sawirma darbiyada.
  5. Burbur ku yimaada dhismaha haduu jiro xili dheer fiishka “Dampness”.
  6. Khataraha halista ah ee soo wajaha caafimaadka dadka.
  7. Ur kasoo bax gunta darbiga iyo daxal banaanka ka muuqata.
  8. Burbur ku yimaada bulukeetiga ama dhagaxa uu ka sameysan yahay darbiga.

Daaweyn guul leh waxaa la gaari karaa oo keliya haddii nooca qoyaanka si sax ah loo ogaado meesha uu ka jiro. Dhumucda darbiga iyo qoyaanka inta uu  jiro oo aan si qoto dheer labaduba la isula ogaanin waxay macnaheedu tahay in qoyaanku inta badan si khaldan loo garto, taas oo keenaysa dhibaatooyinka mustaqbalka, qiimaha iyo carqaladeynta degeneyaasha guryaha.

Maxaa Qoyaan Fiishka Dhismaha ama “Dampness”.

Sababaha ugu badan ee keena qoyaan fiishka joogtada ah ee dhismayaasha waa:

  1. Uumiga (dusha ama dhexda).
  2. Qoyan kor u kaca oo marba sii kordha.
  3. Qoyaan haaro leh oo ka muuqdo darbiyada guriga.

Condensation Damp: Xaaladda 1-aad “Uumi Fiishka Qoyan”


Uumibixintu waxay dhacdaa marka hawo qoyan ay gaarto halbeeg ka hooseyso dhibicda sayaxa, iyo biyo kaydinta biyaha. Tani waxay u dhici kartaa sida uumiga dusha sare uu isu bedelo mararka qaar, laakiin sidoo kale gudaha meesha uu kasoo muuqanayo fiishka qoyan “Soft Dampnss” laftiisa, Sahankii ugu dambeeyay e arinkaan lagu sameeyo waxaa ka mid ah adeegsiga heerkul-beegta saxda ah iyo sawirka heer-kulka si loo muujiyo aagagga qabow halkaasoo ay biyo sababa fiishka qoyan ay ku fidayaan oo ay ku sii weynaadaan aaggaga gudaha ee darbiyada.


Rising Damp: Xaaladda 2-aad “Qoyaan fiishka xaga sare u kaca”


Qoyaanka fiishkiisa kor u kaca waxaa sababa meelaynta khaladka ah, sameynta ciladaha, ama maqnaanshaha koolada ka hortagta fiishka “Damp Proof Course”, oo guud ahaan maqan. waxaa muuqata oo keliya ilaa 1 m heerka dhulka ka sarreeya sababta oo ah xaddidaadda tallaabada looga hortagayo qoyaanka fiishka iyada oo loo marayo qaab ka hortag iyo daweyn lagu sameeyo qaab dhismeedka dhismaha. Qoyaanka kor u kaca waxaa uga sii dari kara wax ka bedelka heerka dhulka, daadadka, qulqulka biyaha, iyo wixii la mid ah.


Penetrating Damp: Xaaladda 3-aad “Qoyaan fiishka dhex gala darbiga”


Qoyaan wasakhlahaan waa qoyaan si siman u dhex gala dusha dhismaha, sida caadiga ah sababtuna tahay tuubooyinka biyaha maraan marka uu dhaawac gaaro oo ay biyo daadiyaan ayuu inta badan yimaadaa, Dhismaha waxaa dhaawaca haaro wasakh leh, heerarka sare ee dhulka, qulqulka bullaacadda, bullaacadaha daadadku, shaqada dhismaha laga qatay oo qaldanta hagaajinteeda, Jajabka darbiyada, iwm ayaa sababa qoyaan fiishka “Dampness”


Identifying Dampness – Aqoonsashada Qoyaan fiishka.


In la ogaado waxyaabaha sababa qoyaan Fiishka “Dampness” wey adagtahay sababtoo ah waa wax aan sahlaneyn in guntiisa hoose la ogaado, laakiin waxaa jira qaab loo dejiyey oo lagu ogaan karo iyo dadka loogu talo galayo in ay ogaadaan.

Markii la garto qoyaanka iyo sababihiisa, naqshadeeyeyaasha, sahamiyeyaasha iyo maareeyayaasha mashruuca waxay u baahan yihiin inay tixgeliyaan xaaladda hadda jirta iyo xaaladda la filayo dhismaha ka dib. Waxaa jira dhowr habab oo loo dejiyay oo lagu ogaanayo qoyaanka.

Waxaan halkaan kugu soo gudbinaya qaabka aad ku ogaan karto qoyaan fiishka “Dampness”.

1.    Observation – Indha indheyn waxa muuqda.

Daawashada tuseedu “Manual Viewing” waa tan ugu qaalisan, laakiin sida ugu macquulsan ee lagu ogaanayo cudurkan qoyaan fiishka waa in aad indhahaga saarta haaro baro baro leh oo ku sameeysma qeybta dusha sare ee darbiyada dhismaha.

2. Moisture Metering – Cabirida Qoyaanka jira ee muuqda.

Cabirida qoyaanka waxaa loo isticmaali karaa in lagu xaqiijiyo ogaanshaha cudurka iyo inta baaxadiisa la egtahay. Gacan qof xirfad leh marka uu isticmaalayo mitirka cabirayana qoyaanka joogtada ah ee muuqda waxay noqon kartaa bilow fiican, hase yeeshe, waxay kuxirantahay kakanaanta dhismaha, agabyada loo isticmaalay, xaalada ay hada ku sugan tahay iyo taariikhda dayactirka, cabirida qoyaan aan jirin gunta hoose ee gidaarka “darbiga”  waxay u horseedi kartaa dhisma in si qaldan loo maareeyo fiishka “Dampness”.

3.    Laboratory techniques – Farsamooyinka Sheybaarka ee lagu ogaan karo.

Qeybta tijaabada ee lasoo qoday “Drilled Sample” iyo waxyaabaha qoyaanka leh waxaa loo adeegsan karaa farsamooyin ay ka mid yihiin mitirka loo yaqaano “carbide”, qallajinta foornada iyo gorfaynta cusbada. Kuwaan waxaa loo isticmaali karaa in lagu xaqiijiyo natiijada sawir-qaadashada kuleylka iyo heer-kulka ‘thermo hygrometry’ ee uu lahaan karo qoyaan fiishka “Dampness”.

4.   Tempreture and Humidity Measurement – Cairka heer kulka iyo huurka.

Diiwan gelinta qoyaanka qaraabada la ah huurka (Relative Humidity) iyo heerkulka qolalka taxanaha ah iyo banaanka iyadoo nus saac lasameynayo diiwan gelinta heer kulalka ayaa ah muunada qaadista, sidoo kale waxay noqon kartaa hab wax ku ool ah oo lagu ogaado cudurka qoyaan fiishka ama “Dampness”.

Aalada Sawirta kuleylka waxaa loo isticmaalaa in si sax ah loogu duubo heerkulka dusha sare ee dhismaha iyo in la go’doomiyo meelaha u dhow ama ka hooseeya dhibicda sayaxa. Meelahan waxaa ku dhici doona uumi-bax iyo uumiga qoyan. Waa lagama maarmaan in la fahmo xiriirka ka dhexeeya heerkulka, huurka qaraabada ah, iyo huurka gabi ahaanba. Heer kulka iyo huurka si aad ah ayey u kala duwanaan karaan, laakiin waxyaabaha qoyaanka hawadu ku sii jiraan ayaa isku mid ah. Hawada wanaagsan ee qalalan waa inay noqotaa 7g / m3.

Markii la dhisayo dhisme ama darbi heerkulka hawadiisu inta uu qoyanyahay waa12 g / m3, Heer kulka dhismuhu wuxuu ku xiran yahay uumiga dhexda. Isku-darka qoyaanka guud eek u jira dhismaha (Total Moisture Content) ayaa sidoo kale bilaabi kara inay kordhiyaan waxyaabaha qoyaanka ah ee  ku jira gunta darbiyada iyo la falgelida kiimikeed ee shamiitada.


Sida looga ilaaliyo qoyaanka fiishka gurigaaga?


 Hagaajinta tayada hawada ee guriga dhexdiisa.

Waxaa jira dhowr tillaabo oo aad qaadi karto si kor loogu qaado tayada hawada gudaha gurigaaga. Adoo fulinaya ficiladan, waxaad hagaajin kartaa tayada noloshaada oo aad caafimaadkaaga ilaalin kartaa. Talaabooyinka aad qaadi karto si aad u wanaajiso tayada hawada waxaa ka mid ah ka hortagga uumiga, isha ku hay heerkulka iyo hubinta in hawo ku filan ay gurigaaga gasho.

Si aad u hubiso bad qaka gurigaaga waxaad raacdaada talaabooyinkaan.

  1. Hubi gurigaga hawada ku jirta in ay tahay hawo aan wasaqeysneen.
  2. Fur Markasta oo aad gurigaga joogtid dariishadaha guriga.
  3. La dagaalan uumiga biyaha ee gudaha u galaya guriga.
  4. Gurigaga u sameey masharaaf ka fogeysa biyaha roobka darbiyada.
  5. Xili kasta oo uu roob da’o gurigaga ku sameey kormeer shaqsiyadeeyd.

Waxaan rajeynayaa in maqaalka ama qoraalkaan aan ka sameeyey qoyaan fiisha “Dampness” aad ka hesheen wixii faalo bixin ah, talo siin ah, weydiimo ah qeybta hoose iigu qora.

Mahadsanidiin

W/Q: Inj. Hanad C/salaam Isxaaq.

Xirfadle dhismaha madaniga, Macalin iyo Qoraa wax ka qora dhismaha madaniga.

Taariikhda: 19/7/2020.

 

 

July 19, 2020

0 responses on "Maxaa sababa qoyaan fiishka kasoo muuqda darbiyada dhismayaasha?"

Leave a Message

Your email address will not be published.

Hanad Learning Center © 2020 Hanad Learning. All rights reserved.